top of page

Sida timaha looga ilaaliyo in ay cirroobaan

  • caafimaad
  • Aug 22, 2016
  • 1 min read

Qormadaan waxaan kuugu soo gudbinaya sidaa hoos ugu dhigi lahayd in timahaadu cirroobaan ama ay cadaan:

Iska yare warwarka: Walow timaha cadaada ay sababto da'du hadana timaha oo si degdeg ah u cadaada waxaa sababa warwarka badan, haddii aad hoos u dhigto welwelka iyo stresska badna ee noloshaada waxa aad hoos u dhigi doontaa in timahaadu cadaadaan ama ay cirraystaan.

Jooji Sigaar cabbista: Cabbista sigaarku waxa ay dedejisaa cimrigaaga waxaanay timahaaga ku qasbayaan inay horay u cadaadaan adigoonba gaadhin da'dii ay ku cadaanayeen. Hoos u dhig ama gebi ahaamba jooji cabbista sigaarka Waxaanad hoos u dhigi doontaa in timahaagu hore u cirraystaan.

Biyo Badan: Haddii jidhkaagu aanu haysan biyo ku filan waxaa laga yaabaa inay dhibaato ku timaato in nafaqadu gaadho daloolada ay timahu kasoo baxaan. Cab biyo badan si aad hoos in timahaagu horay u cirroobaan.

Seexo hurdo kugu filan: Hurdadu waxay jidhka u saamaxdaa inuu dib usoo ceshado tamarti ama energy-gii ka baxay Sidoo kalena waxa ay hoos u dhigtaa stress-ka, Haddii aanad seexan hurdo kugu filan waxaa laga yaabaa inay timahaagu hore u cirroobaan.

Jimicsi joogto ah: Jimicsigu wuxuu sare u qaadaa wareegga dhiigga ee jidhka, taasina waxa ka caawin kartaa jidhka inay nafaqadu si fiican u gaadho, jimicsugu wuxuu hoos u dhigaa process-ka ay timuhu ku cadaadaan.

Qaado vitamin B: inaad vitamin B kugu filan heshaa waxay timaha ka caawisaa inay xoogaystan waxayna ka hortagi kartaa inay timahaagu horay u cadaadaan.

Hoos u dhig xaddiga kafeega aad cabto: Cabbista kafeega badan wuxuu dedejiyaa in timahaagu hore u cirroobaan ama u cadaadaan.

Comments


bottom of page