Faaidada caafimaad ee kaarootada
- caafimaad
- Mar 22, 2017
- 1 min read

Kaarootadu waa cunto soomaalidu ay wada garanayso islamarkaana laga helo dhulkooda, waxayna leedahay waxtar balaaran , waxaan halkaan uga hadlayaa cudurro ay kaarootadu ka hortagto:
Cudurka dhiig-karka: Maadaama ay koorootada ku badan badan tahay maadaada la yiraahdo Potassium waxay jirka u tartaa inay waasiciso xididada dhiiga khaasatan markuu cadaadiska dhiigga uu kaco, sidoo kale kaarootada waxaa ku jiro maado kale oo loo yaqaano "Coumarin" oo iyaduna cadaadisa dhiiga kontaroolkisia qeyb laxaadle ka qaadato.
Qofka dhiig karkiisu cusub yahay waxaa lagula taliyaa inuu kaarootada maalin kasto cuno.
Xanuunka kansarka: Kaarootada waxay qani ku tahay maado la yiraahdo "Beta-carotene" taasoo yaraysaa khatarta kansarka sambabka, waxaana cilmibaarisyo la sameeyay lagu ogaaday haddi maalin kasta uu qaato 2.7 milligram inay yaraynayso khatarta kansarka boqolkiiba 40% iyadoo tijaabadan lagu sameeyay dadka sigaarka cabbo, Daraasad kale ayaa iyaduna daaha ka rogtay inuu kaarootadu ay ka hortagto kansarka malawadka, taasina waxay ina tusinaysaa kaalinta kaarootadu ku leedahay la dagaallanka cudurka halista leh ee kansarka.
Ilaalinta caafimaadka Wadnaha: Cilmibaaris lagu sameeyay wadanka dalka Sweden ayaa shaaca ka qaaday in kaarootada si weyn uga hortagto cudurrada wadnaha khubaradaan ayaa isbarbardhigay dadka joogteeyo cunista kaarootada iyo dadka aanan quudan.
Aragga indhaha: Maadada la yiraahdo beta-carotene ee ku jirta kaarootada waa mid indhaha faaido ugu jirto oo kordhiso awoodda aragga. Kaarootadu waxay qeyb libaax leh ka qaadataa wanaajinta caafimaadka indhaha kobcinta aragga indhaha.
Commenti