top of page

Faaidooyinka Cajiibka ah tufaax

  • caafimaad
  • Mar 23, 2017
  • 1 min read

Qoraalkan waxaa kusoo aruuriyay qaar ka mid ah faaidooyinka layaabka leh ee tufaaxa. Waxaa jirta maahmaah tidhaahda cunista xabbad tufaax ah maalintii waxay ka fogaynaysaa dhakharrada.

Hagaajinta Caafimaadka maskaxda:

Cilmi baaris la sameeyay 2016 ayaa lagu soo bandhigay in antioxidants oo ah mid ka ilaalisa in oxygen uu iska kululaado chemicals-ka jirka uu uga dhigo oxidant uu si fara badan ku dhexqooshan yahay tufaaxa kana caawisa maskaxda yaranta dhimashada uu sababo oxygen inuu iskulaalo dhacaamada jirka ama process-ka la yiraahdo (oxydation) iyo weliba caabuqa maskaxda. sidoo kale waxa tufaaxa ku dhexqooshan maadooyin badna kuwaas oo kordhiya xusuusta qofka.

Ka Hortagga Waalida:

Cunitaanka tufaaxu wuxuu nafaqeeyaa una roon yahay maskaxda. Cunista hal xabbo oo tyfaax maalintii waxay ka hortagaysaa in unugyada maskaxdu ay awoodi waayaan iska saarida walxaha sunta ku ah maskaxda taasoo sababta inuu ku yimaado xanuunka alzheimer's desease oo ah lumitaanka xasuusta iyo howlgabnimo.

Yaranta Khataraha Stroke-ga:

Cilmi baaris lagu sameeyay dad 9,208 oo rag iyo haween isugu jira aya lagu arkay in dadkii isticmaali jiray tufaaxa 20-kii sano ay haystaan caadiga cadadka ugu yar ee khatarta cudurka dhiig furanka maskaxda ama stroke.

Ka Hortagga Wadne Istaagga:

Maadada pectin ee laga helo tufaaxa waxay la dagaashaa nuugtaana cholesterol-ka sidaasna waxay ku yaraysaa in halbowlayaasha ay xidhmaan taasoo keenta in wadnuhu dhiigga tuuri waayo ka baxdina uu wadnuhu fadhiisto.

Comments


bottom of page