Cuntooyin kusiinaya hurdo macaan
- caafimaad
- Aug 22, 2016
- 2 min read
Cuntooyinkaan ma cuno hurdo la'aanna waa i haysaa?
Mooska:

Mooska waxaa dhex qooshan maadooyinka magnesium iyo potassium oo labadaan maado waxay door ka ciyaarin dajinta iyo xasilinta xiddidada soo gala maskaxda Haduusan helin jirkaagu mug ku filan oo maadooyinkan ah waxaa kusoo wajahaysa hurdo la'aan xilli kasta oo damacdid inaad seexato, waxaa dareemaysaa hurdo laakiin gam'i maysid marka ku dadaal inaad cunto hal xabbo oo moos ah maalintii ugu yaraan waxaad arkaysaa isbadal wanaagsan insha allah.
Yicibka:

Hadii hurdo wareer ku hayso waxaa in badan lagama maarmaan ah inaad cunto maalmeedkaaga ku darsatid yicibka oo qani ku ah maadada magnesium tasoo xasil iyo degenaansho u keenaysa murqaha. Wuxuu kaloo isku dheelitiraa heerka sonkorta jirka mudada aad hurudid taasoo kaa caawinaya jirka galidda jawi uu ka maqan yahay inuu falgal kadhexdhaco jirka taasoo carqaladaynaysa jawiga hurdada marka isku day inaad qaadato 6 xabbo oo yicib ah ama hal qaado subaga laga sameeyo yicibka.
Spinach-ka:

Markii laga soo kaco magnesium iyo potassium spinach-ka waxaa laga helaa maadada calcium-ta oo uu soo saaro hormoonka loogu yeero melatonin taasoo muhiim u ah habsami u socodka waxa loogu yeero circadian rhythm oo ah xisaabiye isbadel waqtiyeed maskaxda kaasoo kantoroolaha xilliga maskaxdu u baahan tahay hurdada iyo nasiinada.
Kalluunka:

Kalluunku markasta waxa uu kaalimaha hore kaga jiraa cuntooyinka markay hurdo xumo ku haleesho. Kalluunka waxaa dhexqooshan amino acid-ka tryptophan oo iyaduna muhiimad gaar ah u leh markay timaado hurdo wareerka. Kalluunku waxaa uu ka mid yahay cuntooyinka ugu fiican ee hurdo la'aanta .
Boorashka:

Dadku inta badan waxay cunaan xilliga quraacda, balse cunista boorashka jiifka ka hor waxa uu si weyn qofka uga caawiyaa inuu hurdo fiican seexdo. Boorashku waxa uu qani ku yahay maadada melatonin oo jirka siisa xasilooni islamarkaana qofka caawisa inuu gam'o.
Shukulaatada Madow:

Haka welwelin, shukulaatada madow waxaad cuni kartaa maalintii iyo habeenkiiba. Waxay hodan ku tahay maadada serotonin tasoo dejisa jirka iyo maskaxdaba, waxay kaloo leedahay faaiidooyin kale oo caafimaad, waxaana uga hadli doonaa qoraaladayada soo socda.
Comments