Fruits-ka u fiican haweenta uurka leh
- caafimaad
- Aug 22, 2016
- 2 min read

Waxaa jira miro ama fruits daruuri ah ama ay qasab tahay inay cunto haweenta uurka leh, waxaan qoraalkan kusoo koobayaa miraha ugu muhiimsan:
Canabka:

Canabka waxaa ku jira diwaan badan oo nafaqooyin ah kuwaas oo jirku u baahan yahay dhamaantood sida sonkorta noocyada fructose iyo glucose, nafaqooyinka iyo maadooyinka kale oxalic acid, silicic acid, garlic acid, pholbaphene, magnesium, pectin, folic acid, iron, calcium, fiitamiinnada: A, C, P, B1, B2, B6, B12 iyo K.
Tufaaxa:

Tufaaxu wuxuu qani ku yahay maadada zinc iyo fiitamiinada A, E iyo D, waxaana uu hoos u dhigaa inay ku saamayso cudurka neefta (asthma) iyo xanuunka kale ee la dhaho Eczema oo ah xanuun ku dhaca maqaarka jirka oo raabuqa, isxoqxoq badanna kuu keena kuna sii faafa maqaarka intiisa kale, wuxuu kaloo tufaaxu la dagaallamaa xanuunnada kale ee kusoo wajaha isagoo awood xad dhaaf ah siiyaa unugyada difaaca jirka.
Qaraha:

Qaruhu wuuxuu qani ku yahay maadooyinka potassium, magnesium, fiitamiinnada A, B iyo B6. Cunista ama cabbista qaruhu wuuxuu kaa jabinayaa qandhada, lalabada, madax wareerka wallaca.Isticmaalkiisa saddexda bilood ee ugu dambeysa uurka wuxuu kaa jabinaya holaca laabta, muruq giijiska iyo bararka gacmaha.
Afokaadhaha:

Miraha afakaadhaha waxay caafimaad dahab ah u yihiin dhallaanka ku jira uurka, waxayna koriyaan caqliga dhalaanka uurka ku jira, waxay kaloo fududaysaa saamaynta uu wallacu u keeno caafimaadkaaga. Waxaa kaloo ka dhex qooshan afakaadhaha in ka badan oo jirku uu qabo jirkaagu harraad u qabo.
Mooska:

Moosku wuxuu ku jiraa furuutyada la cuno markaad uurka leedahay kuwa ugu habboon, waxaa ku jirta walaxda folate oo asal ahaan fiitamiin B9 ah, taasoo ka ilaalisa dhallaanka ku jira uurka cudurrada ay ilmuhu kasoo qaadaan gudaha uurka hooyada waxayna sidoo kale ka ilaalissaa hooyada mataga iyo lalabada.
Comments